Posts

Showing posts from July, 2020

"Caawi masaakiinta mood iyo maalba."

"Sheekadii wiilkii faqiirka indhoolaha ahaa" Waxaa magaalo ku noolaa wiil yar oo indhoole faqiir ah, maalin maalmaha ka mid ah ayuu wadada dhinaceeda fariistay wuxuu boor ku qortay "indhoole faqiir ah ayaan ahay i caawiya" koofiyaddiisa ayuu kor u taagayay si dadku wax ugu ridaan, dhowr qof ayaa wax ka helay maalintii oo dhan. xilli maalintii sii dhamaanayso ay gabbal dhac tahay ayaa nin soo maray wuxuu akhriyay boorka wiilka yar, wuu kusoo leexday xoogaa lacag ah ayuu ugu riday koofiyaddii, intaas ugama tagin wuxuu baddalay boorkii magicii ugu qornaa; waxyar kaddib wiilkii yaraa lacag fara badan ayaa soo galay, wuu yaabay! maalintii xigtay ayuu ninkii soo maray meesha wuu waydiiyay maxaad boorka ku qortay? Wuxuu ku jawaabay waxaan ku qoray "maanta waa maalin aad u quruxbadan nasiib uma yeelan inaan arko." Isagoo hadalka sii wata ayuu ninkii yir; qoraalkii hore dadka waxay ogaanayeen inaad indho la'dahay kan danbe se wuxuu xasuusinayaa inaysan iyagu in...