Bukhaari Shubqey.
Tartamihii caqliga badnaa.
1972 waddanka Ghana ayaa loo soo diray codsi ah inay keensadaan dabaal yahan uga qayb gala tartanka Olymbikada dabaasha, codsigu wuu soo daahay, kaddib wasiirkii ciyaaraha xilligaas Fifi Badu ayaa safar dag-dag ah wuxuu ku tagay xeebta, wuxuuna soo xushay kalluumaystihii ugu fiicnaa.
Wuxuu ahaa Kwamena Ntow oo u kasoo jeeda gobolka Elmina, waxaa lagaaray wakhtigii tartanku bilaaban lahaa, Ntow iyo saaxiibadiisii tartanka wxay sugayaan yeerinta firinbiga.
Firinbigii waa la yeeriyay oo hadda tartanku waa bilaabmay, Ntow markiiba wuu quusay isagoo filaya in hirarku qaadi doonaan, wuxuu xoogaa kaddib ogaaday in ay meeshu aysan baddii ahayn oo uusan hirba imaanayn.
Wuxuu fariistay gunta hoose ee barkaddii dabaasha, wuu sugay inta tartamayaasha kale soo laabanayaan. barkadaha dabaashu ma aha kuwo muujinaya ama laga arki karo qofka quusaya.
Kaddib Ntow wixii sii anba qaaday dabaashii oo dhankii bar dhammaadka tartanka ayuu usoo jihaystay, wuxuu gaaray bar dhammaadkii tartanka tartamayaashii kale oo aan wali soo gaarin.
Taasi waxay keentay in Ghana ku guulaysatay markeedii ugu horraysay tartanka Olymbikada.
Comments
Post a Comment