Soomaali waa asalka dadka part-1
Hadaad tahay somali waxaad tahay asalka dadka
Wanaagsan dhamaan umada somaliyeed waxaan marka hore idinku salaamayaa salaanta islaamka ee asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
Salaan kadib.
Waxaan rabaa inaan waxyar kahadlo somalida iyo halka ay kaga jiraan bulshada caalamka ma ayagaa cid kale unasab sheegta mise saas maahee ayagaaba asal ah
Waxaan isku dayaynaa inaan macluumaad kusaabsan arimahaas idinla wadaagno annaga oo xaqiiqada waafajinayna.
Waa dhab in dadka somalida lamarin habaabiyay qaar badan oo kamid ahna ay ku abtirsadaan qoomiyado ayaga ka fac dhow sida carabta ayagoo aaminsan inay asal ahaan yihiin carab taasoo ay dad kale dhagaha ugu shubeen kana dhaadhiciyeen.
Maahan mid fudud inaad ogaato faca dad iyo intay soo jireen lkn hadana waxaa jira siyaabo iyo qaabab loo raadiyo taariikhda umadi leedahay
Waxaana kamid ah meelaha sahlan ee laga helo.
(1) In raadraac lagu sameeyo afka ay kuhadlaan umadaas.
(2) In qoditaan lagu sameeyo deegaanka dadkaas daganyihiin si loo raadsho haraaga dhulka hoostiisa ku duugan ee jiilalkii ayaga kahoreeyay oga tageen.
(3) In dhaqanka umadaas lagu sameeyo daraasaad si wax badan looga ogaado waxay kusoo dhaqmi jireen iyo diintay soo haysan jireen kahor diinta islamka iyo masiixiyada.
Hadaan qoraalkaan gaaban wax ogo tusaalayno annagoo ukala hormarinayna sida qodobadaan ukala horeeyaan ayaan waxaan helaynaa qayb kamida cadaymo iftiiminaya in dadka somalida ah asalka dadka.
1: qodobka kowaad wuxuu ahaa in laraadraaco afka dadkaas kuhadlaan hadaba afkeena somaliga maxaan kaheli karnaa oo noo cadaynaya inaan nahay dad soo jireen ah.
Bal isku day inaad macnayso eraydaan afka somaliga ah ee soo socda.
1 erayga yaahuu
2 erayga akhrud
3 erayga wadaad
4 erayga waaq
Haddaad garaytay macnaha erayadaan maxay yihiin?
Erayga kowaad waa yaahuu oo marka qof lahabaaro uu dhaho asagoo kagilgilanay habaarka dusha loo saaray
Waan wada garaneynaa eraygaan lkn muxuu yahay asal ahaan eraygaan.
Asalka eraygaan ayaa ah sanam magaci sanamkaan oo soomaalidu caabudi jireen kahor nabi ciise CS waa intaysan soo gaarin diintii nabi ciise
Hadaba maxay kadhigantahay in qofku dhaho yahuu marka lahabaaro?
Waxay ka dhigantahay waxaan kaa hoos galay sanamka yaahuu si uu habaarkaaga iig xijaabo
Waayo somalidu xiligaas diini masoo gaarin waxayna caabudi jireen sanamkaas yaahuu.
Ereyga labaad asaguna waa sanam magaci sidoo kale asna si lamida yaahuu ayaa lacaabudi jirey sidaas ayaana magaciisu ugu soo biiray afka somaliga.
Erayga sedexaad waa wadaad oo maanta aan unaqaan ninka diinta yaqaan waana eray somaali saxa ah lamana mid aha erayada shiikh iyo macalim oo ayagu carabi ah.
Hadaba eraygaan macnihiisu waa maxay xageese kayimid?
Macnaha ereygaa waa laba erey oo la isku dhuftay gadibna yeeshay macno gooni waxayna labadaa erey kala yihiin wad+ aad
Wad waa sanam magaci halka aad na ay tahay aaditaan in qofku uu meel aado sida markaad dhahayso hebal meel heblaayu aaday
Waxaana loo yaqaanay eraygaan ninka caabidka ah ee sanamka caabudi jirey maadaama uu aadi jirey sanamka Wad
Erayga afraad waa Waaq
Waxaan maqalnaa ayadoo dadku leeyahay waligay iyo waaqay waxaan oo kale maqal
Hadaba waligay garanee waaqay waa maxay
Ereygaan waxay somaalidii hore utaqaanay ilaahay waa intii aan diinta islaamku soo gaarine waana erayga saxda ah somalidu ilahay utaqaan waayo ilaah waa eray carabi ah somalidana caariyo ku ah
Qoditaan dhulka lagu sameyo
Qayb wayn oo kamida taariikhda waxay ku duugantahay dhulka in qoditaan lagu sameeyaana waa habka lagu heli karo
Waxaan ognahay in somalia kajiraan colaado waqti dheer taasina usaamixi wayday khubarada kutakhasusay cilmigaan inay somalia kasameeyaan dhul qodis
Hase ahaate waxay muujinayaan meelaha qaar qoditaan laga sameeyay in dhulka qoomiyada somalidu dagto yahay dhulkii ugu horeeyay ee dad dago ama nolali kajirtay....1/2
Comments
Post a Comment